Ereyga Maanta: fullaacsan
xulow2  Kulayl lagu socdo kabo la'aan awgeed cago biyo gelid. xulquun  ld xurquun.
xuluf  Digirta baalkeeda kore.
xulus  ld xalus.
xuluul  1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. ld huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluu-lad.
xuluulad  ld xuluulasho.
xuluulasho  eeg xuluulo. ld huluulad, huluulasho, xaluulad, xaluulasho, xuluul.
xuluuli  Wax xuluul gelin.
xuluulin  eeg xuluuli.
xuluulo  (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.
xuluushan  Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
xuluushanaan  eeg xuluushan. ld xuluushanaansho.
xuluushanaansho  ld xuluushanaan.
xulxul  ld xolxol.
xumaan1  eeg xun. ld xumaansho, xumi. xumaan2  1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho. xumaansho  eeg xumaan.
xumadoon  X. ah: qof jecel in arrin laysku haayo xumaani ka dhacdo.
xumaraadis  X. ah: qof jecel in xumaani dhacdo.
xumayn  eeg xumee. ld xumays¹.
xumays1  ld xumayn. xumays2  1. Cawro; oogada dadka inta la qarsho. 2. Hilbaha inta uurkujirta ah. 3. Xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar. xumbayn  eeg xumbee.
xumbaysii  Ka x.: wax xumbo ka keenid.
xumbaysiin  eeg xumbaysii.
xumbee  Xumbo yeelasho.
xumbo  Xoor; abur.
xumbuse  Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.
xumee  Cid xumo ku samayn.
xumi  ld xumaan¹.
page : 55 of 60
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >