waran2 1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho. waran-cireed (fiis.) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
warango Walax budo ah oo xalwada marka la samaynayo lagu daro.
warankiino Dareere kiimikal ah oo dharka aan midabka lahayn oo la dhaqayo lagu cadeeyo.
waranle 1. Qof qalabkiisu waran yahay. 2. Qof dagaal galay oo aan qori wadan.
waranley Ciidanka warmaha wata.
waranweyro 1. War iska soo daba dhacaya. 2. War in la qariyo laysku ogaa ama ku habboonaa oo dibbadda loo saaro, oo dadka looga sheekeeyo.
waraq 1. Karin laga dhaco; jeex. 2. Lafdhabarta, inteeda kelyaha la siman; waraar.
warasho eeg waro.
waraso Ubad la dhalay; awlaad; ilmo; dhal.
warato Ganacsato yaryar oo aan dukaamo lahayn oo meel bannaan ama balbalooyinka hoostooda wax ku iibsada.
warayn eeg waree.
waraysad ld waraysasho.
waraysasho eeg warayso. ld waraysad, waraysi.
waraysi ld waraysasho.
warayso War qof uu hayo ka dhegeyso; cid wax weyddiin.
warbixi Ka w.: arrin ama xaalad lagu suganyahay sheegid ama gudbin.
warbixin eeg warbixi.
warbogasho eeg warbogo.
warbogo 1. Cid xog haysa si ballaaran uga warramid. 2. Ka w.: cid xog haysa si wacan u waraysasho.
warceli U w.: cid u jawaabid.
warcelin1 eeg warceli. warcelin2 Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan. wardi ld werdi¹.
wardoon 1. Qofka raadiya siraha cadowga. 2. Hay'adda ku sheqa leh wardoonidda.
wardoonid Raadinta siraha cadawga la raadiyo. ld wardoon (2).
waree Cid ama wax danayn.
wareeg1 1. Socod aan dan la lahayn. 2. Socod aan toos ahayn; leexad; weecad; laabad. wareeg2 (xis.) Wadarta dhererada iyo dhinacyada shaxan jomatari. wareeg3 1. (f.g) Meel macno la'aan u socosho. 2. (f.mg) Ka w.: wax ka leexasho. 3. (f.mg) Ku w.: wax kormeerid. 4. (f.mg) U w.: meel u beddelasho (qof). 5. (f.mg) La w.: xil ama alaab iwm cid ka guddoomid.
page : 20 of 40
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>