Ereyga Maanta: hiilley
baaybal  (dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.
baayicid  eeg baayac². ld baayac¹.
baayir1  B. ah: qof aad u been badan; beenlow; beenaale. baayir2  Cayilid, wax buuran noqosho. baayirid  eeg baayir².
baayirnimo  Baayir ahaansho.
baayoco  Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. ld baayaco.
babac1  1. Daaddagga buurta ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee wax loo dhigo. 3. ld babcid. babac2  1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin. babacdhig1  ld babacdhigid. babacdhig2  U b.: cid, wax dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid. babacdhigid  eeg babacdhig². ld babacdhig¹.
babactamid  eeg babactan². ld babactan¹.
babactan1  ld babactamid. babactan2  Ciyaaro fudud sida legdin, orod iwm ku tartamid. babbaay  Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
babbad  1. B. ah: meel aan gabbaad lahayn oo dabayl badan. 2. ld babbasho.
babban  ld bamban.
babbasho  eeg babbo. ld babbad.
babbi  Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.
babbin  eeg babbi. ld babbis (2).
babbis  1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. ld babbin.
babbisjinni  Balanbaalis.
babbo  Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.
babcan  Wax gudub ama babbac loo dhigay ahaansho.
babcanaan  eeg babcan. ld babcanaansho.
babcanaansho  ld babcanaan.
babcid  eeg babac². ld babac¹ (3).
bac  1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.
bacaac  1. Qalaad. 2. B. ah: qof nacas ah.
page : 13 of 108
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>