Ereyga Maanta: miryaadis
dabakeen1  Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya. dabakeen2  Gabadh dadku sharaysto oo markay dhalanayso qaarka dambe soo hormariya. dabakeen3  Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin. dabakeenid  eeg dabakeen³.
dabakeennimo  Dabakeen ahaansho (qof).
daballaab  Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.
dabammar1  1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf. 3. ld dhabammarid. dabammar2  1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid. dabammari  1. Wax, wax kale weydaarin. 2. U d.: wax, wax kale dambeysiin.
dabammarid  eeg dabammar². ld dabammar¹ (3).
dabammarin  eeg dabammari.
dabammaryayn  eeg dabammaryee. ld dabammaryo (3).
dabammaryee  Cid dabammaryo ku samayn.
dabammaryo  1. Nooc legdenka ka mid ah oo qofka gadaal la isu dhaafiyo. 2. Khiyaano; dhagar. 3. ld dabammaryayn.
daban  1. Wax la dabay ahaansho. 2. Wax tidcan ahaansho (timo).
dabandeeb1  Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. ld dabandeebid. dabandeeb2  Si dan la'aan ah isaga daba noqosho. dabandeebid  eeg dabandeeb². ld dabandeeb¹.
dabannashlayn  eeg dabannashlee.
dabannashlee  D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid.
dabaq1  1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq. dabaq2  Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq. dabaqaad1  1. D. ah: hal marka rintay. 2. ld dabaqaadid. dabaqaad2  Wax dhawaan rimay noqosho (hal). dabaqaadid  eeg dabaqaad². ld dabaqaad¹ (2).
dabaqabad  ld dabaqabasho.
dabaqabasho  eeg dabaqabo. ld dabaqabad.
dabaqabo  1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
dabaqad  Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.
dabaqallooc  ld dibqallooc.
page : 16 of 218
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>