Ereyga Maanta: sargadayn
gabbal1  Qorrax sii dhaceysa. gabbal2  Bar oo ku taal neef xoola ah oogadiisa. gabbalday  ld gabbaldaye.
gabbaldaye  Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. ld gabbalday.
gabbaldhac  Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay. ld gabbaldhicid.
gabbaldhacsad  ld gabbaldhacsasho.
gabbaldhacsasho  egg gabbaldhacso. ld gabbaldhacsad, gabbaldhacsi.
gabbaldhacsi  ld gabbaldhacsasho.
gabbaldhacso  1. Ku g.: ilaa gabbal dhaca meel joogid. 2. U g.: wax samayntooda ilaa gabbaldhaca sugid.
gabbaldhici  U g.: ilaa qorraxdhaca wax meel ku hayn.
gabbaldhicid  ld gabbaldhac.
gabbaldhicin  egg gabbaldhici.
gabbalee  Gabbalo yeelasho.
gabbaleyn  eeg gabbalee.
gabbalgaab  Galabnimada inteeda dambe ee gabbaldhaca ka horreysa. ld gabbalgaabad.
gabbalgaabad  ld gabbalgaab.
gabbalgaabsad  ld gabbalgaabsasho.
gabbalgaabsasho  eeg gabbalgaabso. ld gabbalgaabsad, gabbalgaabsi.
gabbalgaabsi  ld gabbalgaabsasho.
gabbalgaabso  Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.
gabbaljiif  1. Gabbalgaab. 2. Qof wahsi badan oo aan shaqada jecleyn.
gabbalsiidhac  ld qorraxdhac.
gabbar  Cid gabbaro siin.
gabbaro  Lacag ama hanti kale oo beelo meel wada daggani bixiyaan oo la siiyo dowlad ama boqortooyo; sedo, ammaan.
gabbasho  eeg gabbo. ld gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.
gabbi  Nabar la soo tuuray balfin, weecin, celin.
gabbigabbi  Ilaalo koox ah oo loo diro col inay soo indha-idheeyaan. ld gabgabbi.
gabbin  eeg gabbi. ld gabbis.
gabbis  ld gabbin.
gabbo  Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. ld gabboo, gambo².
page : 12 of 102
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>