Ereyga Maanta: saddex-madaxle
nadiyee  Wax nadi ama karbaash la dhicid.
nadooc1  Loodsanka ku dhaca ul, rabar iwm. nadooc2  (nax.) Habdhac sarfeed oo hawshiisu tahay in salka (falka ama magaca iwm) la raaciyo kabayaal ama dhammaadyo muujinaya tirada, caynta iyo qofka. nadooc3  Ul, rabar iwm loodsan ku dhicid. nadooci  Wax sida laan qoyan, ul, rabadh iwm loodin.
nadoocin  eeg nadooci.
nadoocsan  Wax la nadoociyay ahaansho.
nadoocsanaan  eeg nadocsan. ld nadoocsanaansho.
nadoocsanaansho  eeg nadoocsanow. ld nadoocsanaan.
nadoocsanow  Wax la loodiyay noqosho. ld nadoocsanaan.
naduur  Waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo.
nadwad  1. Uumi-biyood. 2. Qabow qoyaan leh oo habeenkii soo dhaco; dhado.
naf  1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.
nafac  ld nacfi.
nafaqadarro1  Nafaqaxumo. nafaqadarro2  (daaw.) Xaalad cudureed oo ay keento cunno aan isu miisaanneyn, qofku waxa uu cuno iyo waxa jirkiisu u baahanyahay. nafaqaxumo  Yaraanta wax la quuto ay dheeftu ku yartahay.
nafaqayn  eeg nafaqee.
nafaqaysasho  eeg nafaqayso.
nafaqayso  1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
nafaqee  Wax nafaqo siin.
nafaqo1  1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf. nafaqo2  (daaw.) Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iwm cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood. nafar  1. Hal qof. 2. Cunto bisil oo hal qof deeqda.
nafbax1  Dhimashada ay nafley dhimato. nafbax2  Nafley dhimasho. nafbixid  eeg nafbax².
nafci  ld nacfi¹.
nafhur1  ld nafhurid. nafhur2  U n.: Qof ama wax dartii naf u hurid.
page : 12 of 35
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>