Ereyga Maanta: gadaalabbar
nafhurid  eeg nafhur². ld nafhur¹.
nafis  ld nefis¹.
nafjeclaysasho  eeg nafjeclayso. ld nafjeclaysi.
nafjeclaysi  ld nafjeclaysasho.
nafjeclayso  1. Khatar u beerdhigeddeeda ka cabsasho. 2. Ka n.: wax nafac leh oo dad ka dhexeeya gaar u qaadasho. 3. Ka n.: saaxiib dhib kaga baxsasho danaysi dartii.
nafkureeb  1. N. ah: cunto yar oo qof aad u gaajeysan quuto. 2. N. ah: nafley dhaawacan ama daallan oo si kama dambeys ah u dagaalamaya.
naflacaari  N. ah: nafley xaalad xun oo wax ka qabashadeedu adagtahay ku sugnaan.
nafley  Uunka dunida guudkeeda ku nool inta nafta leh.
nafnac  Qof aan kala jeclayn dhimasho iyo nolol.
nafsad  1. Wax nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. Niyad. 3. Tabar; itaal.
nafsadjab1  ld niyajab¹. nafsadjab2  ld niyajab². nafsadjebi  ld niyajebi.
nafsadjebid  ld niyajebid.
nafsadjebin  ld niyajebin.
naftihafar  Qof maal ama derajo aanu lahayn sheegta oo ku faana.
naftihawir  Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig.
naftihure  N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iwm.
naftir1  N.kayga, n.kaaga, iwm: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo. naftir2  Dhaawac israacin. naftirid  eeg naftir².
nafto  Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qaybaha soo baxa mid ka mid ah oo loo adeegsado shidaalka matoorrada diisalka ah. ld naafto.
nag  ld neg.
nagaadi1  ld negaadi¹. nagaadi2  ld negaadi². nagaadin  ld negaadin.
nagaan  ld negaan.
nagaansho  ld negaan.
nagaar  Dhir yar-yar oo gaagaaban.
nagaardeeb  Geednagaar qodax leh oo xooluhu daaqaan.
page : 13 of 35
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>