Ereyga Maanta: saddex-madaxle
ooro  (daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
ooroobid  eeg oorow.
oorow  Ooro qaad (xoolo).
ooryawalaal  Laba nin oo labo haween oo walaalo ah kala qaba, waxa ay isu yihiin. ld ooryowalaal.
ooryawalaaloobid  eeg ooryawalaalow. ld ooryowalaaloobid.
ooryawalaalow  Laba nin ooryawalaal noqosho. ld ooryowalaalow.
ooryowalaal  ld ooryawalaal.
ooryowalaalee  Labo nin ooryowalaal ka dhigid.
ooryowalaaleyn  eeg ooryowalaalee.
ooryowalaaloobid  ld ooryawalaaloobid.
ooryowalaalow  ld ooryawalaalow.
oosayt  (baay.) Unug taran laga helo ugxansidaha xilliga oojiniisiska. Waxay ka timaadaa korriinka oogooniyamka.
ooy  Oohin sameyn. ld booy.
ooyid  eeg ooy. ld booyid.
ooysin  Neef xoolo ah oo tacsi ahaan loogu geeyo reer nin oday ahi ka dhintay.
or  Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
or1  1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada. oraah  1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.
oranjo  Liin kulkulucsan, waxoogaa ka waaweyn liimadhanaanta oo macaan. ld araanjo.
ordid  eeg orod².
ordisii  ld orodsii.
ordisiin  ld orodsiin.
ordisiis  ld orodsiin.
organ  (c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.
organ yare  Qayb kasta oo ka mid ah unugga, sida bu'da ama jeedalka, taas oo qabata shaqo gaar ah.
orgee  Orgi ri' tallaabid.
orgeyn  eeg orgee.
orgeysan  Ri' wax orgi u baahan ahaansho.
orgeysguur  Waayidda uu sac ama ri' orgeysani waayo dibi ama orgi kuda (booda).
orgeysnaan  eeg orgeysan. ld orgeysnaansho.
page : 8 of 10
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 >