Ereyga Maanta: saddex-madaxle
oomaarid  eeg oomaar².
oomaarin  eeg oomaari.
oomanayn  Biyo ka saaridda walax.
oomane  (c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
oomane-u-eke  (juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
oomasoore  Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.
oomati  Wax la quuto.
oomi  1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
oomid  eeg oon³.
oomin  eeg oomi.
oomiye  (daaw.) Kaadisokorow.
oomman  1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho.
oommanaan  eeg oomman. ld oommanaansho.
oommanaansho  ld oommanaan.
oommane  1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.
oommanoobid  eeg oommanow.
oommanow  Nalfey wax oon haayo noqosho.
oon1  Baahi biyo la cabbo loo qabo; harraad. oon2  Wax kasta oo la cuno ama la cabbo, cunto. oon3  Biyo rabid. oonbeel1  ld onbeelid. oonbeel2  Biyo aan laga dhergin cabbid; harraadbeel. oonbeelid  eeg oonbeel². ld oonbeel¹.
oonguul  O. ah: xoolo aroor ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
oontir  Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin.
oontirid  eeg oontir.
oor  Miro yaryar oo udgoon oo ay dumarku isku carfiyaa.
oordinayt  (xis.) Kulanka-y oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-y ee ku yaalla habdhiska kulannada kaartis (Barbardhig Absiisa).
oori  Haweeney la qabo; afo.
ooriyo  Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.
page : 7 of 10
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 >