Ereyga Maanta: saddex-madaxle
ontoogoni  (baay.) Korritaanka noolaha laga bilaabo unug bacrinsan ilaa inta uu qaangaadhayo.
ontor1  Ur qurmuun oo ka soo baxda wax qurmay. ontor2  Wax qurmid. ontorid  eeg ontor².
ontorro  (bot.) Geed weyn qodax lahayn, hoos fiican, oo leh miro kulkulucsan oo macaan. ld hontorro.
oo  1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.
ood1  1. Dhir la gooyey oo xero iwm lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh. ood2  1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iwm afka ka daboolid. oodaale  Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
oodafayn  eeg oodafee.
oodafee  1. Cid aflagaaddo gaarsiin 2. Xero afka ood ka saarid.
oodafo  1. Ood weyn oo xerada xoolaha afka laga saaro. 2. Aflagaaddo.
oodan1  1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay. 4. ld oodmid. oodan2  Ciyaarta shaxda oo aan meel laga soo galo lahayn. oodan3  1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iwm). 2. Arrin, hadal iwm wax naan meel haysan noqosho. oodan4  1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho. oodasho  eeg oodo.
oodayn  eeg oodee.
ooddin  Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
oodee  Xero iwm ood saarid.
oodeysasho  eeg oodeyso. ld oodeysi.
oodeysi  ld oodeysasho.
oodeyso  Xero, aqal iwm afka ood ka saarasho.
oodgeddi  Xero ama guri diqoobay meel u dhow u rarid (xoolo).
oodgeddin  eeg oodgeddi. ld oodgeddis.
oodgeddis  ld oodgeddin.
oodgeddisasho  ld oodrogasho.
oodgeddiso  ld oodrogo.
oodid  eeg ood².
oodjiid1  1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
page : 4 of 10
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>