Ereyga Maanta: saddex-madaxle
qaddimnaansho  ld qaddimnaan.
qaddin  Wax waqtigii la sameyn lahaa ama la bixin lahaa ka soo hormarin.
qaddiyad  Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
qadduun  1. Shey duug ah oo aad u da'weyn oo waayihii hore lagu dhaqmi jirey. 2. Meel qof ama dad ku duuganyihiin; qabri. 3. Seef godan oo daab qori ah leh.
qadee  Qado cunid.
qadeyn  eeg qadee.
qadeysii  Qof dharaarad u dhiibid.
qadeysiin  eeg qadeysii.
qadfan  Wax la qadfay ahaansho.
qadfanaan  eeg qadfan. ld qadfanaansho.
qadfanaansho  ld qadfanaan.
qadfid  eeg qadaf².
qadhin  Meel leh dhir madow yari ku yaal.
qadi1  ld qadow (1). qadi2  1. Cid wax u diidid. 2. Cunto siin waayid. Tus. “Naagtii baa carruurta iga qadisay.” qadid  eeg qad². ld qatooyo (3).
qadiid  1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
qadiidi  Weel culay ku nadiifin.
qadiidin  eeg qadiidi.
qadiidsan  Weel wax la qadiidiyey ahaansho.
qadiidsanaan  eeg qadiidsan. ld qadiidsanaansho.
qadiidsanaansho  ld qadiidsanaan.
qadiim  1. Q. ah: shey gaboobay oo waqti hore ahaa. 2. Q. ah: wax waqtigii la isticmaali lahaa la soo dhaafay oo xumaaday. ld qadiin.
qadiin1  ld qadiim. qadiin2  1. Midab-gaddoonka ku dhaca xoolaha jirran; yuduun. 2. Badar muddo yiil oo uumi gaaray. qadin  eeg qadi. ld qadis.
qadis  ld qadin.
qado  Cunnada harki la cuno.
qadoodi  Cunto la'aan in muddo ah lagu jiro.
qadow1  1. ld qadi 2. Geed yar oo jaadad badan ah dhirta waaweyn korkooda inta ka baxa magoola. 3. Cagaar ay yeeshaan geedaha qaarkood xilliga kaliisha.
page : 15 of 86
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>