Ereyga Maanta: gawre
subxaayo  Nooc halaqa ka mid ah oo maska ka yar barabarana leh oo aan waabaayo lahayn.
sucdi  Nasiib wanaagsan.
sud  1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.
sudeef  Sabool.
sudeex1  Laqanyo. sudeex2  Laqanyo da-reemid. sudeexid  eeg sudeex².
sufeehi  ld safiih.
sufiih  ld safiih.
sufiihi  ld safiih.
sufriyad  ld sufriye.
sufriye  Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cuntada lagu karsado; digsi. ld surfiyo, sufriyad, sufriye, sufriyo.
sufriyo  ld surfiyo.
suful  1. ld sufur 2. Habaas yar oo dabayshu kiciso. 2. Meel abaar ah. 3. Hoog; belo. ld sufuul, suluf.
sufur1  1. Tiro xisaabeed marka ay keligeed tahay aan micno lahayn, laakiin marka ay midigta ka raacdo tiro kale ku dhufata toban; Eber. 2. Maar. 3. (-rro, m.dh) Koob macdan ka samaysan. sufur2  ld suful (1). sufuul  ld suful.
sųg  Wax imaatinkooda dhawrid.
sug1  Yaraan; guridambays; cirrannuug. sug2  Wax xaqiiqdooda helid. sugaal  Sųgidda.
sugan  Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.
suge  (xis.) Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.
sugid  eeg sug². ld sugitaan, sugniin.
sugid1  eeg sug. ld sugitaan, sugniin. sugitaan  ld sugid.
sugitaan1  ld sugid. sugnaan  eeg sugan. ld sugnaansho.
sugnaansho  ld sugnaan.
sugniin  ld sugid.
page : 106 of 118
<< < 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 > >>