Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
sugniin1  ld sugid. sugukuun  Wax tiradoodu aad u yartahay ama dhiciddoodu adagtahay; wax lagu diimo; dhif.
sugul  S. ah: midab aad u madow.
sujuud1  Weji dhul dhigidda la sameeyo iyadoo Ilaah la caabudayo. sujuud2  Iyadoo Ilaah la caabudayo wejiga dhulka saarid. sujuudid  eeg sujuud².
suke  1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. ld soke².
sukee  Kali ka dhigid.
sukeyn  eeg sukee. ld sukeys.
sukeys  ld sukeyn.
sukul1  ld shukul¹. sukul2  ld shukul². sukulan  Wax sukul lagu sameeyay ahaansho (badar). ld shukulan².
sukulasho  eeg sukulo. ld shukulasho.
sukulid  eeg sukul². ld shukulid.
sukuliye  Tib weyn oo badarka lagu sukulo.
sukulnaan  eeg sukulan. ld shukul-naan, shukulnaansho, sukulnaansho.
sukulnaansho  ld sukulnaan.
sukulo  1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. ld shukulo.
sulbi  Hawl si dhaqso leh u deddejin.
sulbin  eeg sulbi. ld sulbis.
sulbis  ld sulbin.
suldaan  Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.
suldaannimo  Suldaan ahaansho.
suldanad  (siyaa.) Meel uu xukumo, ama xukumi jirey suldaan. Waxaa aad looga isticmalaa dhulka Islaamka. ld saldanad.
sulfatar  (jool.) Dhul fulkaano oo aaney ka soo baxayn laarfa dhalaashan ama dambas, laakiin ay isdabajoog uga soo baxayaan uumi iyo neefo gaar ahi.
sullan  Asal; isir; walcan; ab.
sulman  Lax wan u taga u baahan ahaansho; asoollan.
sulmanaan  eeg sulman. ld sulma-naansho.
sulmanaansho  ld sulmanaan.
page : 107 of 118
<< < 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 > >>