Ereyga Maanta: sibirayn
walwal1  1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaada; geyr. 2. Welwel, werwer. ld warwar¹, welwel¹, werwer¹. walwal2  Cid walbahaarid. ld warwar², welwel², werwer². walwali  Qof murugayn. ld warwari, welweli, werweri.
walwalid  eeg walwal². ld warwarid, welwelid, werwerid.
walwalin  eeg walwali. ld warwarin, welwelin, werwerin.
walwalsan  Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. ld warwarsan, welwelsan, werwersan.
walwalsanaan  eeg walwalsan. ld walwalsanaansho, warwarsanaan, warwarsanaansho.
walwalsanaansho  ld walwalsanaan.
wambar  ld gambar.
wamme  Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.
wan  Idaha kooda lab.
wanaag  Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
wanaagsan  1. Wax wanaag leh ahaansho. 2. Ku w.: wax, wax gaar ah ku habboon ahaansho.
wanaagsanaan  eeg wanaagsan. ld wanaagsanaansho.
wanaagsanaansho  eeg wanaagsanow. ld wanaagsanaan.
wanaagsanow  Wax wanaag leh noqosho.
wanaagsasho  eeg wanaagso.
wanaagso  Wax si fiican u suubsasho.
wanaaji  1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn.
wanaajin  eeg wanaaji. ld wanaajis.
wanaajis  ld wanaajin.
wanantume  Qori geed jilicsan ka samaysan oo leh qaab burris ama dubbe oo wananka lagu tumo; tutume.
wancad  Geed dhirta wax lagu daaweeyo ka mid ah, cudbina ka baxo; soome; soomaggale.
wandhar1  Hilib sidii sar la dhisay loo kala baxshay, loo safay. ld wandharid. wandhar2  Wax la qalay saafid ama kala bixin. wandharan  Wax la wandharay ahaansho.
wandharid  eeg wandhar². ld wandhar¹.
wandharnaan  wandharan. ld wandharnaansho.
wandharnaansho  ld wandharnaan.
waneey  Neef ari ah.
page : 16 of 40
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>