Ereyga Maanta: saddex-madaxle
walaaqid  eeg walaaq². ld walaaq¹.
walaaqnaan  eeg walaaqan. ld walaaqnaansho.
walaaqnaansho  ld walaaqnaan.
walaayati  1. Dhar cudbi ah oo dun caddaan iyo madow isugu jirta ka samaysan. 2. W. ah: waxyaalaha dibbadda laga keeno, sida dharka, qalabka guryaha iwm kan ugu jaad fiican; asli.
walaayo  1. Mas'uuliyadda aabbaha ka saaran mehrinta gabadhiisa. 2. Ardi w.: dhul fog; dhul shisheeye.
walac  ld walalac.
walaclayn  ld walalaclayn.
walaclee  ld walalaclee.
walacsasho  eeg walacso. ld walacsi.
walacsi  ld walacsasho.
walacso  Ku w.: cid wax aan la siinayn tusid.
walag  Karid la'aanta aan la karin ereyada qaarkood.
walagaleen  Godod yaryar, afaf badan leh, kana samaysma meelaha didibka ah, oo bahalladu galaan.
walalac  1. Hillaac weyn ama is-haysta muuqashadi, baalqaadki. 2. Iftiin kasta oo sida kan hilaacaas isha mar u mara. ld walac.
walalaclayn  eeg walalaclee. ld walaclayn.
walalaclee  Roob hillaac bixin. ld walaclee.
walambo  1. Dhis yar, dusha ka dedan oo la harsado. 2. Aqal yar, dhismo liita leh oo dad sabool ahi ku hoydaan.
walammad  ld malawad.
walando  ld abitey.
walanqe  Hilib ay baruurtiisu badantahay, sida kan legga, mudka iwm. ld walanqo.
walanqo  ld walanqe.
walasaqo  Nooc ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed oo leh or, sacab iyo jaan.
walax  Shay; wax. walba s. ld wal.
walbahaar1  Welwel, murugo. walbahaar2  Dareen murugo leh la gam'i waayid. walbahaarid  eeg walbahaar².
walcad  ld walcasho.
walcan  Waalid; ab; isir.
walcasho  eeg walco. ld walcad.
walci  Hoore weel ku jira qar ka daadin; balqin.
page : 14 of 40
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>