Ereyga Maanta: dabakannaaxid
wejifur  Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.
wejigarad  ld wejigarasho.
wejigarasho  eeg wejigaro. ld wejigarad.
wejigaro  1. Cid aqoonsasho. 2. Cid u eexasho.
wejiggabax  Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.
wejih  1. Wax qaabilid. 2. Meel ama cid abbaarid. ld waajah, wajih.
wejihi  1. Wax, wax kale qaabisiin. 2. Cid meel ama cid kale aaddin. ld waajihi.
wejihid  eeg wejih. ld waajihid, wajahid.
wejihin  ld waajihin.
wejiine  ld wajiine.
wejimacbuus  Qof aan furfurnayan oo dad dhexgelkiisu yar yahay.
wejitub1  Wejimacbuus; wejikaduud. wejitub2  Jirxumayn darteed cid wejiga u kaduudid. wejitubid  eeg wejitub².
weled  1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
welef  Wax aad u jeclaysasho.
weli1  1. Qof mu'min ah oo Ilaah ka baqa. 2. Qof ay saaran tahay mas'uuliyadda xaas meel deggan. ld wali. weli2  1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna. welinnimo  Weli ahaansho.
welwel1  ld walwal¹. welwel2  ld walwal². welwel-dheeraad  (c.naf.) Welwel ka qabid shaqada jirka iyo caafimaad darro la mala awaaley. Waxay keeni kartaa cudur mas-kaxeed qofka naftiisa naafeeya. Noocyada khatarta ah waxa jira himadjab caafimaad darro, oo sida badan ay sabab u tahay qalbi jabka joogtada ah.
welweli  ld walwali.
welwelid  ld walwalid.
welwelin  ld walwalin.
welwelsan  ld walwalsan.
welwelsanaan  ld walwalsanaan.
welwelsanaansho  ld walwalsanaan.
werdi1  Ku celcelinta ereyo Alle loogu dhowaanayo. ld wardi. werdi2  Ereyo Ilaah loogu dhowaanayo ku celcelin.
page : 33 of 40
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>