Ereyga Maanta: saddex-madaxle
xagli  U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.
xaglin  eeg xagli.
xaglis1  ld xaglisid. xaglis2  Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo). xaglisid  eeg xaglis². ld xaglis¹.
xaglo-isqummiye  (xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xagal qumman ama P/2 gacansin.
xaglo-istoosiya  (xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xarriq toosan (180° ama P gacansin).
xaglo-talantaali  (xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.
xagmaal  Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo).
xagmaalid  eeg xagmaal.
xagmar  1. Xagmaalid. 2. Qayb candhada xoolaha mayrax ku marid.
xagmarid  eeg xagmar.
xagmid  eeg xagan¹.
xagnaan  eeg xagan². ld xagnaansho.
xagnaansho  ld xagnaan.
xago  1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.
xagurrin  Geel intiisa rimi karta ay hal xilli wada rintay oo aan midi ka baaqsan.
xagxag1  1. Nabarro yaryar oo aan qotodheereyn oo ku yaal wax dushooda sare. 2. Cunto la kariyay inta weelka dhinacyadiisa ku dhegta. xagxag2  Nabarro yaryar oo aan qoto dheereyn wax dushooda sare gaarsiin. xagxagasho  eeg xagxago.
xagxagid  eeg xagxag².
xagxago  1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid.
xaj  (dii.) Shanta tiir oo diinta Islaamku ku taagantahay mid ka mid ah oo waajib kaga dhigaya qofka inta uu noolyahay in uu hal mar tago Maka mowsinka xajka. ld xad¹.
xaji1  Xaj gudasho. xaji2  Wax xoog u qabasho. xajiimee  Cid wax ay ku xajiimooto marin ama taabsiin.
xajiimeyn  eeg xajiimee.
xajiimeysan  Wax xajiin la mariyey ahaansho.
xajiimeysnaan  eeg xajiimeysan. ld xajii-meysnaansho.
xajiimeysnaansho  ld xajiimeysnaan.
page : 12 of 60
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>