Ereyga Maanta: garbis
xajiimo  ld xajiin².
xajiimoo  Xajiin da-reemid.
xajiimood  eeg xajiimoo.
xajiin1  Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto. xajiin2  Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo. xajiinbadeed  Bahal badda ku nool; qasaanqas.
xajiinmadow  Geed-xajiin xooluhu daa-qaan.
xajiintir  Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.
xajin  eeg xaji².
xajiyid  eeg xaji¹.
xajmi  Derbi iwm inta qiradiisu le'eg tahay; jurmi.
xakaamad  ld xukun¹ (3).
xakaar1  Dhibaato; kadeed. xakaar2  Shiddo la kulmid. xakaarid  eeg xakaar².
xakab  1. Qoryo ceelka afka laga saaro; makaab. 2. Sallaanka meelihiisa cagta la saa-ro.
xakamayn  eeg xakamee.
xakamaysan  Wax la xakameeyey ahaansho.
xakamaysnaan  eeg xakamaysan. ld xakamaysnaansho.
xakamaysnaansho  ld xakamaysnaan.
xakame  Bir iyo suuman isku xiran oo faraska afka iyo madaxa loo geliyo oo lagu qabto laguna duwduwo.
xakamee  Xakame gelin (faras).
xakumid  ld xukumid.
xakun  ld xukun².
xal  Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.
xal1  Biyo yar oo wax lagu dhaqay. xal2  Biyo yar weel ku mayrid. xalaal  Wax shareecadu bannaysay oo lagu dhaqmi karo.
xalaalayn  eeg xalaalee. ld xalaalays.
xalaalays  ld xalaalayn.
page : 13 of 60
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>