sugniin1 ld sugid. sugukuun Wax tiradoodu aad u yartahay ama dhiciddoodu adagtahay; wax lagu diimo; dhif.
sugul S. ah: midab aad u madow.
sujuud1 Weji dhul dhigidda la sameeyo iyadoo Ilaah la caabudayo. sujuud2 Iyadoo Ilaah la caabudayo wejiga dhulka saarid. sujuudid eeg sujuud².
suke 1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. ld soke².
sukee Kali ka dhigid.
sukeyn eeg sukee. ld sukeys.
sukeys ld sukeyn.
sukul1 ld shukul¹. sukul2 ld shukul². sukulan Wax sukul lagu sameeyay ahaansho (badar). ld shukulan².
sukulasho eeg sukulo. ld shukulasho.
sukulid eeg sukul². ld shukulid.
sukuliye Tib weyn oo badarka lagu sukulo.
sukulnaan eeg sukulan. ld shukul-naan, shukulnaansho, sukulnaansho.
sukulnaansho ld sukulnaan.
sukulo 1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. ld shukulo.
sulbi Hawl si dhaqso leh u deddejin.
sulbin eeg sulbi. ld sulbis.
sulbis ld sulbin.
suldaan Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.
suldaannimo Suldaan ahaansho.
suldanad (siyaa.) Meel uu xukumo, ama xukumi jirey suldaan. Waxaa aad looga isticmalaa dhulka Islaamka. ld saldanad.
sulfatar (jool.) Dhul fulkaano oo aaney ka soo baxayn laarfa dhalaashan ama dambas, laakiin ay isdabajoog uga soo baxayaan uumi iyo neefo gaar ahi.
sullan Asal; isir; walcan; ab.
sulman Lax wan u taga u baahan ahaansho; asoollan.
sulmanaan eeg sulman. ld sulma-naansho.
sulmanaansho ld sulmanaan.
page : 107 of 118
<< < 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 > >>