Ereyga Maanta: jaw
ilbixin  eeg ilbixi.
ilcad  (c.nafl.) Nooc shimbiraha ka mid ah, midab bay ah leh, badanaaba ku nool guryaha iyo beeraha agtooda.
ilcayn  Dhabataysi.
ilcir  Daah, rogaa.
ildaran  Wax aad u liita ahaansho.
ildarnaan  eeg ildaran. ld ildar-naansho.
ildarnaansho  ld ildarnaan.
ildarro  Dhibaato iyo diif cid ka muuqata.
ildheer  Wax rafaad ka muuqdo ahaansho.
ildheeraan  eeg ildheer. ld ildheeraansho, ildheeri.
ildheeraansho  ld ildheeraan.
ildheeri  1. Aragti-dheer ahaansho. 2. ld ildheeraan.
ilduuf1  1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo. ilduuf2  1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid. ilduufi  Qof ilduuf dhaxalsiin.
ilduufid  eeg ilduuf².
ilduufin  eeg iduufi. ld ilduufis.
ilduufis  ld ilduufin.
ilduufsan  Wax ilduufay ahaansho.
ilduufsanaan  eeg ilduufsan. ld ilduufsanaansho.
ilduufsanaansho  ld ilduufsanaan.
ilee  1. Xarig la xirayo il u yeelid. 2. Cid dhabateysasho.
ileysad  ld ilaysasho.
ileysasho  eeg ileyso. ld ilaysad, ileysi.
ileysi  ld ilaysasho.
ileyso  Cid il wax ku yeelid.
ilfajaas  (daaw.) Cudur indhaha barariya.
ilfashaq1  Xishood, xil, yax-yax. ilfashaq2  Wax sameyntooda ka khajalid. ilfashaqid  eeg ilfashaq².
page : 12 of 43
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>