Ereyga Maanta: dalankacee
quraansaar1  Akhrinta lagu akhriyo qof buka Quraan. quraansaar2  Qof buka Quraan ku akhriyid. quraansaarid  eeg quraansaar².
quraanyo  Cayayaan yaryar jaadad badan, beelbeel u degta oo aan baalal lahayn, lehna lix addin iyo labo gees. ld quraanjo.
quraaqur  Qalabka lagu adeegto inta birta ah.
quraar  Godin yar oo weelasha lagu qoro. ld quraarqor.
quraarad1  Dhalo; qarsho. quraarad2  (kiim.) Walax adag oo ilays-gudbiye ah lagana sameeyo isku kuleylinta kaalsiyam ogsaydh (laym), soodiyam kaarbooneyt iyo ciidda (silikoon IV ogsaydh). Quraaradu waa walax wiriqlaawe ah oo aan atamyadeedu ku habeysnayn raso. quraarqor  ld quraar.
qurac  Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.
qurbaan  1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
qurbaansasho  eeg qurbaanso.
qurbaanso  Qurbaan samaysasho.
qurbac  Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.
qurbacyee  Hal qurbac dhalid.
qurbacyeyn  eeg qurbacyee. ld qurbacyeys.
qurbacyeys  ld qurbacyeyn.
qurban  Wax qurub-qurub laga dhigay ahaansho.
qurbanaan  eeg qurban. ld qurbanaansho.
qurbanaansho  ld qurbanaan.
qurbax  Nafley nafbixid.
qurbe  Meel uusan qof ka helin dhaqankiisa dadkiisa, luqaddiisa iwm; dal shisheeye. ld qurbo.
qurbid  eeg qurub².
qurbixid  eeg qurbax.
qurbo  ld qurbe.
qurcis  Jaad ka mid ah noocyada geed hindiga.
qurdan  1. Qof madaxa maluuqday ahaansho. 2. Lo', ari wax seenyoon ahaansho.
qurdanaan  eeg qurdan. ld qurdanaansho.
qurdanaansho  ld qurdanaan.
qurdho  1. Iniinaha yaryar ee cudbiga. 2. Timo aad u jilicsan marka la shanleeyo seexda.
page : 80 of 86
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>