Ereyga Maanta: nadalo
qurxoonaan  ld quruxsanaan.
qurxoonaansho  ld quruxsanaan.
qurxub  Xididdo iyo qanjirro yaryar oo candhada ku yaal oo caanaha dhala; kurxin.
quse  Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
qush  1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
qushaash1  1. Wasakh. 2. Qashqashaad. qushaash2  Cid qashqashid. qushaashid  eeg qushaash².
qushayn  eeg qushee.
qushaysan  Wax wasakh u yeelid.
qushaysnaan  eeg qushaysan. ld qushaysnaansho.
qushaysnaansho  ld qushaysnaan.
qushee  Wax wasakh u yeelid.
qushqush1  Calool xanuun ka dhasha cunto kala jaadjaad ah oo la cunay. qushqush2  Cunto kala jaadjaad ah calool xanuun ka qaadid. qushqushid  eeg qushqush².
qushuuc1  ld khushuuc¹. qushuuc2  ld khushuuc². qushuucid  ld kushuucid.
qushuucsan  ld khushuucsan.
qushuucsanaan  ld khushuucsanaan.
qushuucsanaansho  ld khushuucsanaan.
qusley  Nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
qusur  Q. ah: ceel, war, durdur iwm oo hoos u dheer; mool.
qusuusi  Lataliyayaal. ld khuususi.
qutool  Koor hal carrab leh. ld qudkool.
quud1  1. Cunto; cunno ; dheef. 2. Nooc geed; shillin; kulan; kedi. quud2  Isku jirka cunnooyin ee dadku cuno. quudad  ld quudasho.
quudasho  eeg quudo. ld quudad.
page : 84 of 86
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 >