Ereyga Maanta: nadalo
qurmoon2  ld qurmuun². qurmoonaan  ld qurmuunaan.
qurmoonaansho  ld qurmuunaan.
qurmuun1  Ur xun, ur naftu kahato; wax qurun noqday waxa ka soo ura, kankama, daaca; qurun. ld qarmuun¹, qurmoon¹, qurun¹. qurmuun2  Ur xun yeelasho (wax). ld qarmuun¹, qurmoon¹. qurmuunaan  eeg qurmuun². ld qarmuunaan, qarmuunaansho; qurmoonaan, qurmoonaans.
qurmuunaansho  ld qurmuunaan.
qurqur  1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.
qurquri  Hoore si dhaqso ah u cabbdi.
qurqurin  eeg qurquri. ld qurquris, qurquro (3).
qurquris  ld qurqurin.
qurquro  1.Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. ld qurqurin.
qurqursan  U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).
qurqursanaan  eeg qurqursan. ld qurqursanaansho.
qurqursanaansho  ld qurqursanaan.
qursi  1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iwm lagu cabbiro. 2. ld qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.
qurub1  Gabal yar. qurub2  (nax.) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed. qurub3  Wax cadcad yaryar ka dhigid. qurub-logardam  (xis.) Qaybta togan ee ka mid ah logardamka tiro ee ah jajab tobanlaha ku yaalla midigta barta tobanlaha.
qurud1  Cudur geela dheddig sabiisha wareeggeeda uga dhaca oo badanaa keena dhalmo la'aan, haddaan laga daaweyn. qurud2  Harag timo ka wada hoolid. qurumo  Gudin yar oo weelasha lagu qoro. ld qorimo.
qurumohuluko  Qurumo masaarta u eg.
qurumoqoobley  Gudin yar oo weelasha lagu qoro.
qurun1  ld qurmuun¹. qurun2  Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho. qurunsan  Wax qurmay ahaansho.
qurunsanaan  eeg qurunsan. ld qurunsanaansho.
qurunsanaansho  ld qurunsanaan.
page : 82 of 86
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 >