Ereyga Maanta: saddex-madaxle
saddexeyso  Saddex ka dhigasho (wax).
saddexgees  1. Shaxan saddex dhinac leh. 2. S. ah: nooc ablayda ka mid ah oo daabkeedu xaggiisa sare saddex ganood ku leeyahay.
saddexjibbaar1  1. Tiro saddex jeer la isku dhuftay. 2. Tiro saddex jeer la isku dhuftay. saddexjibbaar2  Jibbaarka saddexaad ee tiro. Saddex jibbaarka “a” waa “axaxa = a3”. saddexjibbaar3  Tiro saddex jeer isku dhufasho. saddexjibbaaran1  Tiro wax saddex jeer la isku dhuftay ahaansho. saddexjibbaaran2  Tiro wax saddex jeer la isku dhuftay ahaansho. saddexjibbaarasho  eeg saddexjib-baaro.
saddexjibbaarid  eeg saddexjibbaar².
saddexjibbaarmid  eeg saddexjib-baaran¹.
saddexjibbaarnaan  eeg saddexjib-baaran². ld saddxejibbaarnaansho.
saddexjibbaarnaansho  ld saddexjib-baarnaan.
saddexjibbaaro  Tiro saddex jeer isku dhufsasho.
saddexle  Xaashi turub oo saddex dhibcood leh.
saddexley  Cayaar jiib iyo jaan leh oo saddex goor la gooyo kana mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka sooma-liyeed.
saddexlugood  Xarig ka samaysan saddex dhudood oo laysku soohay.
saddexnaan  eeg saddexan². ld saddexnaansho.
saddexnaansho  ld saddexnaan.
saddexo  Nagaar yar oo doomaarta ka tirsan.
saddexqad1  1. Kal saddex beri biyaha laga qado. 2. S. qad ah: xoolo nugul ah oo aan saddex beri biyo cabbin. saddexqad2  Xoolo nugul ah saddex beri biyo moogaan. saddexqadid  eeg saddexqad².
saddexqeyd  Maro haweenku waayadii hore qaadan jireen oo saddex qeyd oo isku tolan ka samaysan.
saddexsaamood  Ciddisiib.
saddexsuulle  Muruq salka saddex madax ku leh.
saddexsuulley  Xaalaquf, qarandi.
sadhee  1. Aafeyn. 2. ld saree.
sadheyn  eeg sadhee.
sadho  Aafo.
sadiibo  Bir yar oo qadhabi ah oo ragga gadhmadowga ah cirradu ku siibsiibo.
page : 14 of 118
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>