Ereyga Maanta: herso
laallaabnaan ld laablaabnaan.
laallaabnaansho ld laablaabnaan.
laallaabo ld laablaabo.
laallaad (1) Ka raaracidda wax meel sare ka raaracaan.
laallaad (2) Wax meel sare ka raaracid.
laallaadi Wax meel sare ka raaricin.
laallaadid eeg laallaad². ld laalaadis².
laallaadin eeg laallaadi. ld laallaadis¹.
laallaadis (1) ld laallaadin.
laallaadis (2) ld laallaadid.
laallaadsan Wax meel ka lalmada ahaansho.
laallaadsanaan eeg laallaadsanaan. ld laallaadsanaansho.
laallaadsanaansho ld laallaadsanaan.
laalmid eeg laalan¹.
laalnaan eeg laalan². ld laalnaansho.
laalnaansho ld laalnaan.
laaluush (1) Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluush (2) Laaluush siin.
laaluushad eeg laaluusho.
laaluushan Wax laaluush qaatay ahaansho.
laaluushid eeg laaluush².
laaluushnaan eeg laaluushan. ld laaluushnaansho.
laaluushnaansho ld laaluushnaan.
laaluusho Cid dani ku xirantahay laaluush siisasho.
laam ld laan¹ (4).
laama (c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
laamaddoo Lulmo darteed in yar indho isku qabasho.
laamaddood eeg laamaddoo.
laamalloodshe ld laamallooye.
laamallooye (bot.) Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. ld laamalloodshe.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>