xubin 1. Qaybaha oogada nafleyda middiiba, siiba inta laba kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah. 2. Dadka maamul ama urur ka koobanyahay, midkiiba.
xubin dhac (daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
xubin-holac (daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
xubnayn eeg xubnee.
xubnee 1. Wax xubno u yeelid. 2. Wax xubno u qaybin.
xubno holac Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
xuddumi 1. Ku x.: neef xoolo ah ilmo dhashay siin. 2. Ka x.: haweeney foolanaysa ka dhalin.
xuddumin eeg xuddumi.
xuddun1 1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal. 2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir). xuddun2 (jool.) Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkii-suna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid. xuddunxir1 Xoolo la siiyo ilmo markaa dhashay. xuddunxir2 Ilmo markaa dhashay xoolo siin. xuddunxirid eeg xuddunxir².
xuddur X. ah: xero weyn oo aad loo adkeeyay.
xudduud1 Soohdin; seere; xad. xudduud2 1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dam-beysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad. xuf Xuub yar oo harag jilicsan laga soo jeexay oo toobinka afka laga saaro. ld xug¹ (2).
xufnugeyl X. ah: xoolaha intooda tabarta yar.
xug1 X. ah: xaskul qori lagu xaquuqay oo buruqdii laga milay oo liilankii caddaa isu haray. 2. ld xuf. xug2 1. Xoolo isku duuban, si degdeg ah u kaxayn, u eryid. 2. Si aayar ah maqaarka ama xuubka uga saarid. 3. Hilib ku haray maqaarka ka jarjarid. ld hug. xugid eeg xug². ld hugid.
xugmi ld xukun¹ (2).
xugun ld xukun¹.
xujaale ld xujoole.
xujee 1. Cid xujo ku xirid. 2. Cid eedeyn.
xujeey eeg xaaji.
xujeyn eeg xujee.
xujo 1. Weyddiin adag oo aan sahal looga jawaabi karin. 2. Dembi; Eed.
xujoobid eeg xujow.
xujoole Qof had iyo jeer xujo keena. ld xujaale.
page : 53 of 60
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>