Ereyga Maanta: jaw
cumraysi  ld cumraysasho.
cumrayso  Cimro gudasho. ld cimrayso.
cumri  ld cimri.
cumro  (dii.) Siyaaro sunna ah oo Kacbada lagu tago oo leh sida xajka xarmasho, dawaaf iyo socod. ld cimro.
cumuqcumuq  Hadal diidmo aan caddayni ku jirto.
cumuqcumuqlee  Hadal diidmo aan caddayni ku jirto dhihid. ld cumuqcumuqleh.
cumuqcumuqleh  ld cumuqcumuqlee.
cumuqcumuqleyn  eeg cumuq-cumuqlee.
cumur  C. ah: dhir aad isugu dhow oo aan la dhex mari karin; jiq. ld cumir.
cumuri  Maro dhuuban oo bul iyo xiddaayad leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld cumeyri.
cun  1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.
cunaa  C. ah: qof aad u cir weyn.
cunaabi  Kuul laga sameeyey xabagta maydiga oo la warshadeeyey oo dumarku qoorta ku xirtaan.
cunabbarar  Jirro ku dhacda dhuunta oo bararisa.
cunaggubyo  Xanfafka ka dhasha waxyaalo kulul oo la liqay.
cunaggubyoo  Cunaggubyo dareemid.
cunaggubyood  eeg cunaggubyoo.
cunan  Wax la cunay ahaansho.
cunaqabad  ld cunaqabatayn.
cunaqabasho  ld cunaqabatayn.
cunaqabatayn  eeg cunaqabatee. ld cunaqabad, cunaqabasho.
cunaqabatee  Ka c.: cid waxay u baahanayd u diidid (siiba xag dhaqaale). ld cunaqabo (2).
cunaqabato  Diidmada loo diido cid waxay u baahnayd (sida dhaqaalaha).
cunaqabo  1. Nafley cunaha ka qabasho; ceejin. 2. ld cunaqabatee.
cuncun1  Xajiin oogada nafleyda ku dhacda oo keenta xoqod badan. cuncun2  (daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood. cuncun3  Xajiin xoqod u baahan dareemid. cuncunid  eeg cuncun³.
cundugul  Beergooye.
cune  1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.
page : 88 of 95
<< < 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>