Ereyga Maanta: jaw
cunid  eeg cun.
cunitaan  Sida gasiinka loo cuno.
cunnaan  eeg cunan. ld cunnaansho.
cunnaansho  ld cunnaan.
cunnaddiid  1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. ld cunnaddiidis, cuntaddiid.
cunnaddiidis  ld cunnaddiid.
cunnammareen  Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo.
cunniin  God, dab iwm ciid ku aasid.
cunnimo  God, dab iwm duugmid.
cunno  Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. ld cunto.
cunsii  1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.
cunsiin  eeg cunsii.
cunsur1  (canaasiir/-rro, m.dh) Meesha wax asalkiisu ka soo unkamay. cunsur2  Dhibaato waxyeello weyn geysato. cunsurguuri  Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid.
cunsurguurin  eeg cunsurguuri. ld cunsurguuris (2).
cunsurguuris  1. Qof sixirka aad u yaqaan oo dadka wax ku yeela. 2. ld cunsurguurin.
cuntaddiid  ld cunnaddiid.
cuntamid  eeg cuntan.
cuntan  1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.
cuntayn  eeg cuntee. ld cuntays.
cuntays  ld cuntayn.
cuntaysii  Cid cunto siin.
cuntaysiin  eeg cuntaysii.
cuntee  Wax cunid.
cunto  ld cunno.
cunto-sumow  (daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.
cuntodiid  C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan.
cuntub  1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iwm.
cunug1  Ilma yar oo lab, wiil.
page : 89 of 95
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 > >>