Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
curqid  eeg curuq². ld curuq¹ (3).
curraaf1  1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. ld curraf, curraafiye. curraaf2  Neef ido ah dheddig oo laf yar. curraaf3  Cid sixrid. curraafee  Xiddiga ka faalin. ld curraafi, currafee, currafi.
curraafeyn  curraafee. ld currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi.
curraafi  ld curraafee.
curraafid  eeg curraaf³.
curraafin  ld curraafeyn.
curraafis  ld curraafeyn.
curraafiye  ld curraaf¹.
curraf  ld curraaf¹.
currafee  ld curraafee.
currafeyn  ld curraafeyn.
currafi  ld currafee.
currafin  ld curraafeyn.
currafis  ld curraafeyn.
curre  Bisad ama mukulaal lab. ld curri.
curri  ld curre.
curub  Doog aad u jilicsan.
curuf  1. Dhib; shiddo. 2. ld curfi.
curun  Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah.
curuq1  1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid. curuq2  1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”. curuuq  Xididdada yaryar ee dhiigga qaada.
curyaami  1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid.
curyaamid  eeg curyaan².
curyaamin  eeg curyaami. ld curyaamis.
curyaamis  ld curyaamin.
curyaan1  1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
page : 92 of 95
<< < 87 88 89 90 91 92 93 94 95 >