Ereyga Maanta: tefiir
iswaafaqsanaan  (nax.) Curiyeyaal weerta oo isku waafaqa xagga caynta tirada iwm. Tus. “Inantu dawo ayay cabtay”, “Inanku dawo ayuu cabay”.
isweydaar1  Iska-horimaad; isdhaaf. isweydaar2  1. I. ah: lug iyo addin aan isku dhinac ahayn. 2. I. ah: isdhaafidda la isu dhaafo labo jaho oo isku cid ah. isweydaarsi  Siin iyo qaadasho.
Iswiidhan  Iswiidhan (Af-Iswiidhan: Sverige; Af-Ingiriis: Sweden), Boqortooyada Iswiidhan (Af-Iswiidhan: Konungariket Sverige), waa dal ka mid ah Iskaandinafiyaaka dhacana Woqooyiyiga Yurub.
isxaan  ld ixsaan.
isxabaalid  (baay.) Xaalad hurdo oo kale ah, taasi oo xayawaanka qaarkood kaga gudbaan bilaha jilaalka ee ay jiraan cunta yaraanta iyo qabowgu. Waxay xayawaanku sameeyaan isbeddello fisiyoolajiyeed oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca heerkulka jidhka iyo garaaca wadnaha, waxa anay ku noolaadaan keydka duxdooda.
isyeelyeel1  Wax aan la ahayn oo la iska dhigo. ld iskayeeleel¹. isyeelyeel2  Wax aan la ahayn iska dhigid. ld iskayeelyeel². isyeelyeelid  eeg isyeelyeel². ld iskayeelyeelid.
itaal1  Xoog. itaal2  (fiis.) Summad 'I'(jabaq). Dhakhsaha ay tamarta jabaqda ku dhexmarto halbeeg bed ah oo ku ligan foolkabaahidda hirarka jabaqda. Itaalku waxa uu saamiggal quman la yahay laba jibaarka qotonka gariirka hawada. Halbeegga taalka waa desibal. b) eeg itaalka birlabeed. t) eeg itaalka danabka. j) eeg itaalka iftiimeed. itaal3  Tabar leh noqosho. itaal birlabeed  (fiis.) Summad H. Xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B), xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).
itaal iftiimeed  Burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.
itaal-danabeed  (fiis.) Summad E. Itaalka badada danabka ee bar, waa xoogga saaran halkii saldanab togane ah oo yaalla bar ka mid badada danabka. Xoogga, F, ee ku abbaaran saldanabka, Q, waxa lagu helaa F = QE, markaas E = F/Q halbeegga itaalka danabku waa (N/C).
itaaldarro  Tabaryari.
itaalid  eeg itaal³.
itaalsad  ld itaalsasho.
itaalsasho  eeg itaalso. ld itaalsad, itaalsi.
itaalsheegad  ld itaalsheegasho.
itaalsheegasho  eeg itaalsheego. ld itaalsheegad.
itaalsheego  U i.: wax xoog ku maquunin.
itaalsi  ld itaalsasho.
itaalso  Itaal yeelasho.
itaalxumo  Itaaldarro.
itanol  (kiim.) Alkohool hoor ah oo bida, midabna aan lahayn. Itanoolka waxa lagu soo saaraa dariiqadda khamiirinta sonkorta.
itataabayn  eeg itataabee. ld itataabin.
itataabee  Cid liidata taakuleyn. ld itataabi.
itataabi  ld itataabee.
page : 41 of 43
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 >