Ereyga Maanta: nadalo
istaagid  eeg istaag². ld istaag¹.
istaagnaan  eeg istaagan. ld istaag-naansho.
istaagnaansho  ld istaagnaan.
istaahil1  1. Fal u dhigma xumaan ama wanaag la gaystey. 2. ld istaahilid. istaahil2  Qof wanaag ama xumaan geystey fal u qalma ku abaal marin. istaahilid  eeg istaahil². ld istaahil¹ (2).
istaaji  1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin.
istaajin  eeg istaaji.
istaandar  (fiis.) Xaalad beegaal.
istaaqfarad  ld istaaqfarasho.
istaaqfarasho  eeg istaaqfaro. ld istaaqfarad.
istaaqfaro  Duco Ilaah lagu weyddiisto dembi dhaafid.
istaaqfurlow  ld istaaqfurow.
istaaqfurow  Waqti dabayl xoog leh oo siigo xambaarsan jirto. ld astaaqfurow, istaaqfurlow.
istaaqfurullahi  ld istaaqfurulle.
istaaqfurulle  Duco Ilaah lagu wayddiisto dembi dhaaf. ld istaaqfurullahi.
istaaqfurulleysad  ld istaaqfurulley-sasho.
istaaqfurulleysasho  eeg istaaq-furulleyso. ld istaaqfurulleysad, istaaq-furulleysi.
istaaqfurulleysi  ld istaaqfurulleysasho.
istaaqfurulleyso  Ilaah dembi dhaaf wayddiisasho.
istaarj  (baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuub kas.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.
istaarj xayawaan  Glaykojiin.
istallaab  ld iskutallaab.
istaraatiiji  I. ah: meel difaaca ku habboon.
istaraatiijiyad  Qorshe loo dejiyo in lagu maamulo hawl gaashaandhig, siyaasad, ama dhaqaale. ld istaraatiijiyo.
istaraatiijiyo  ld istaraatiijiyad.
istarabtokokas  (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u sameysma qaybo ka mid ah ayan cudur keenin qaarna waa cudur wadayaal.
istarabtomaysiin  (daaw.) Dawo laga soo saaray baktiiriyada la yiraahdo “streptomyces riseus” oo lagu daweeyo infekshinno ay keenaan baktiiriyaal kala duwan.
istareex1  Raaxo. istareex2  Raaxo helid.
page : 38 of 43
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 >