Ereyga Maanta: nadalo
jurxeyn  eeg jurxee.
jurxo  Hadal lafajebis ah oo cid lagu yiraahdo.
jus1  1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood. jus2  War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn. jusbax1  Xaflad la sameeyo marka la dhammeeyo barashada hal jus. jusbax2  Arday jus dhammeeyey xaflad u samayn. jusbixid  eeg jusbax².
juscambuuleed  ld juscambuulo.
juscambuulo  Hal jus oo Quraan ah marka uu arday dhammeeyo cuntada uu bixiyo. ld juscambuuleed.
jusur  Kuul yaryar, madmadow oo barbaarku qoorta ku xirto si uu ugu xarragoodo.
jusuur  Guri weyn oo dhagax ka samaysan oo ab-ka-ab layska soo dhaxlay.
juu  ld tuu.
juube  Nooc warmaha waaweyn ka mid ah.
juuc  1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. ld juucjuuc.
juucjuuc  ld juuc.
juucjuucsan  Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho.
juucjuucsanaan  eeg juucjuucsan. ld juucjuucsanaansho.
juucjuucsanaansho  ld juucjuuc-sanaan.
juuco  Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
juudaan1  Cudur halis ah oo dadka oogadiisa googooya. juudaan2  (daaw.) Cudur muddo dheer oo uu keeno “mycobacterium leprae”. Wuxuu wax yeelleeyaa maqaarka, dareemayasha iyo xuubka gudaha ka mara xubnaha daloola (mucous membrane). Waxaa laga helaa dalalka cimilada kulul, si toos ah ayaa la isaga qaada. juul  (xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
juuni  ld jawaan.
juunyo  Bisha lixaad ee sanadka masiixiga.
juuq1  1. Hadal yar oo kooban. 2. J. ha dhihin: ha hadlin. juuq2  Hadal yar oo kooban ku tiraabid. juuqi  Neef xoolo ah sabaalin.
juuqid  eeg juuq².
juuqin  eeg juuqi. ld juuqis.
juuqis  ld juuqin.
page : 52 of 53
<< < 47 48 49 50 51 52 53 >