Ereyga Maanta: nadalo
joohaarad  1. Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min afar dhibcood ku leh. 2. Wax if bixiya oo masjoohaarku habeenkii markuu ugaarsanayo soo tufo.
jooji  1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.
joojin  eeg jooji. ld joojis.
joojis  ld joojin.
joojiye  (baay.) Walax hoos u dhigta ama joojisa falgal uu xukumayo insaym.
joojiye falgal  Walax yareysa waxtarka kaalkaaliyaha, taas oo ah, dhakhsaha falgalka oo yaraada.
jookar  Warqad turubka ka mid ah oo marka iskaalada la ciyaarayo meel kasta oo warqad ka maqantahay buuxiya; maato.
jookh  1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.
joolaal  ld salool.
joolaalad  ld saloolad.
joolaalasho  eeg joolaalo.
joolaalo  Geed saloo-lasho.
jooloji  Barashada qaabka iyo habdhiska dhulka. Barashadan waxaa ka mid ah walxaha uu ka koobanyahay dhulka, kala filiqsanaantooda, taariikhdooda, nolosha dhirta iyo xayawaanka ku nool ama ku noolaan jiray.
joome  Dibi weyn oo dhufaan ah; baqay.
joometeri  (xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.
joometeriga saafan  (xis.) Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.
joometeriga Yuklid  (xis.) Habdhis joometeri oo ku saleysan qeexo iyo dhardhaarro uu dejiyey xisaabyahankii giriigga ahaa “Euclid”, kuna qoray buugga la yiraahdo “The Elements”. Buuggiisa koowaad waxa uu ka bilowdaa 23 qeexo oo ah nooca: “Bar waa mid aan qayb lahayn”, “xarriq waa dherer aan ballal lahayn”. Ka dibna waxa raaca 10 dharhdaarood oo “Euclid” uu u qaybiyey 5 fikrado wadaaga ah iyo weedho.
joonis  Cagaarshow.
joonyad  ld jawaan.
joordi  Bilaale yar oo dhoob ka samaysan oo shaaha iyo bunka lagu cabbo.
joqof  ld juquf.
joqofey  Boog aan dhaqso u raysan.
joqofsan  ld juqufsan.
joqofsanaan  ld juqufsanaan.
joqofsanaansho  ld juqufsanaan.
jornaal  1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.
jowhar  ld jawharad.
jowr1  ld jawr¹. jowr2  ld jawr². jowrfal1  ld jawrfal¹.
page : 48 of 53
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 >