Ereyga Maanta: sidqaad
qaboone  ld qaboono.
qaboono  Subaxnimada inteeda hore oo aan qorraxdu weli soo kululaan. ld qaboone.
qabow1  1. Kuleyl la'aan. 2. Q. ah: wax aan kululeyn. qabow2  1. Wax heerkulkiisu hooseeyo noqosho. 2. Qof xasilan noqosho. qabow3  1. Wax heerkulkiisu hooseeyo ahaansho. 2. Qof xasilan ahaansho. qabowsasho  eeg qabowso.
qabowso  1. (f.g) Wax qabow ka dhigasho. 2. (f.mg) Is qaboojin (qof).
qaboyaro  (bot.) Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhecaan cad oo caanaha u eg oo haddii dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qabqab  Indha-sarcaadin been ah oo cidi muujiso.
qabqable  1. Qof dadka isugu muujiya in uu leeyahay karti dheeraad ah; faataadhugle. 2. Qof firfircoon oo mas'uuliyad aan loo dirin isu xilsaara.
qabqabow  Cabbitaan qabow oo la cabbo. ld qaqabow.
qabri  1. Godka meydka la gesho oo lagu aaso; xabaal. 2. Q. ah: qof calool adag oo aan sir iwm ka bixin.
qabsad  ld qabsasho.
qabsan  1. Hawl iwm wax la qabtay ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ku dhegsan ahaansho. 3. Tuug, dugaag iwm wax casiimo lagu akhriyey oo aan wax bi'in karin ahaansho.
qabsanaan  eeg qabsan. ld qabsanaansho.
qabsanaansho  ld qabsanaan.
qabsasho  eeg qabso. ld qabsad.
qabsato  Xubinta geedsaarku leeyihiin oo ay geedaha kale ku qabsadaan.
qabsin  1. Xiidmaha weyn ee nafleyda. 2. Xanuunka qabsinnada ku dhaca.
qabsin-ood  1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. ld qabsin-oodane.
qabsin-oodan1  Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan. qabsin-oodan2  Xiidmo wax xiran noqosho. qabsin-oodane  ld qabsin-ood.
qabsin-oodmid  eeg qabsin-oodan².
qabso  1. (f.g) Wax cid ka qaadasho. 2. (f.g) Naag kufsasho. 3. (f.g) Dad, dal iwm xoog ku hanasho. 4. (f.g) Dhibaato la kulmid. 5. (f.mg) Ku q.: wax cid wadato kula dhegid. 6. (f.mg) U q.: cid deyn iwm ku dacweyn. 7. (f.mg) La q.: hawl, degaan iwm dabeecaddooda barasho.
qabsoomid  eeg qabsoon.
qabsoon  Hawl iwm wax la fuliyey noqosho.
qabuul  Aqbal.
qabuuro  1. ld qabuur, qubuurro (2). Meel ay qabuur badan ku yaalliin oo loogu talaggalay in dadka dhintay lagu aaso. 2. eeg qabri.
qabweyn  Qof islaweyni badan ahaansho.
page : 12 of 86
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>