Ereyga Maanta: tefiir
qabweynaan  eeg qabweyn. ld qabweynaansho, qabweyni.
qabweynaansho  ld qabweynaan.
qabweyni  Dabeecad isla weyni kibir leh oo qof yeesho. ld qabweynaan.
qabxad  Naag sharmuuto ah. ld qabxo, qaxbad, qaxbo.
qabxo  ld qabxad.
qabyaalad  Nidaam siyaasadeed oo ku salaysan dhaqanka qabiilka; kala qaybinta ummad loo kala qaybiyo qoloqolo.
qabyaaladayn  eeg qabyaaladee.
qabyaaladee  Nidaam qabyaaladeed qof kula dhaqmid; qof qabyaalad darteed uga eexasho.
qabyo  Q. ah: wax aan dhammeystirneyn.
qabyoobid  eeg qabyow.
qabyow  Wax qabyo ah noqosho.
qac  Erey tilmaama shanqar sida shanqarta wax jabay ama labo shay laysku dhuftay ay soo saaraana.
qacqac  Erey tilmaama qababac, jiririq ama liiqliiqasho.
qad1  Labaq., saddexq. iwm: xoolo aan biyo cabbin laba maalmood, saddex maalmood iwm. qad2  1. Wax la qaybsanayey wax ka waayid. 2. Cuntocunid la'aan. qadaad1  Madaxa docdiisa dambe; jeego. qadaad2  Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin. qadaadan  Koor wax la qadaaday ahaansho.
qadaadid  eeg qadaad².
qadaadnaan  eeg qadaadan. ld qadaadnaansho.
qadaadnaansho  ld qadaadnaan.
qadaf1  Aflagaaddo weyn oo qof sharaftiisa lagu dhaawacayo. qadaf2  Aflagaaddo weyn oo qof sharaftiisa lagu dhaawacayo u jeedin. qadan  1. Nasiib; ayaan. 2. Q. ah: qof xoog iyo laf leh.
qadaysii  Cid qado siin.
qadaysiin  eeg qadaysii.
qaddac1  1. Weel yar oo subagga iyo saliidda iwm lagu cabbiro. 2. Wax muuqda ama fudud oo malaha lagu garan karo; wax muuqda, wax cad. 3. ld qaddicid. qaddac2  1. Wax goyn. 2. Ka q.: qof saad kala goyn. qaddacan  1. Wax la gooyay ahaansho. 2. Ka q.: wax la'ahaansho; qof saad lagala gooyay ahaansho.
qaddacnaan  eeg qaddacan. ld qaddacnaansho.
page : 13 of 86
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>