Ereyga Maanta: jaw
rafacasho  eeg rafaco.
rafacid  eeg rafac.
rafacnaan  eeg rafacan. ld rafac-naansho.
rafacnaansho  ld rafacnaan.
rafaco   Qalab iwm urursasho.
rafad  ld rafasho.
rafasho  eeg rafo. ld rafad.
rafcaan  Go'aan maxkamadeed oo max-kamad ka sarreysa looga dacwoodo. ld racfaan.
rafcaanle   Qof rafcaan qaata.
rafcaansane   Qofka go'aanku u dhaco ee rafcaanka laga qaato.
rafiiq1   Saaxiib; waday. rafiiq2   La r.: qof la saaxiibid. rafiiqid  eeg rafiiq².
rafiiqnimo  Rafiiq ahaansho.
rafiso  Hanti horumarin ahaan looga qaato cid diyo lagu yeeshay.
rafo   1. Nafley xanuun dartii la galgalasho. 2. Arrin ka libkeeni-deed dadaal badan u sameyn.
rag  1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
ragaad1   1. Qodax weyn oo geela cagtiisa hoose mudda. 2. Sallaanka (jaranjarada) meesha cagta la saaro. 3. Bir madax ballaaran, daab leh oo geela cudurrada looga gubo. ragaad2   Neef geel ah cagtiisa hoose qodax mudid. ragaadi   Neef geel ah ragaad ka bixin.
ragaadid  eeg ragaad².
ragaadin  eeg ragaadi.
ragaadsan   Neef geel ah oo ragaaday ahaansho.
ragaadsanaan  eeg ragaadsan. ld ragaadsanaansho.
ragaadsanaansho  ld ragaadsanaan.
ragaal  Xilli roob dhamaaday, geedi-hiina caleen dhacsadeen, xooluhuna bilaa-been biya cabid ama bilaabayaan. ld rag-gaal.
ragac   Taayar, maro, iwm wax karin saarid.
ragannimo  Rag ahaansho.
ragcad  1. (dii.) (ruguuc, m.dh) Gabal yar oo taayar, maro iwm oo la karayo la nooc ah oo meesha daloosha ama dillacsan lagu dhejiyo; karin. 2. (-do, m.l) ld rakcad.
ragcan   Maro, taayar iwm wax la ragcay ahaansho.
page : 12 of 40
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>