Ereyga Maanta: jaw
ragcanaan  eeg ragcan. ld ragca-naansho.
ragcanaansho  ld ragcanaan.
ragcasho  eeg ragco.
ragcid  eeg ragac.
ragco   Taayar maro iwm karin saarasho.
raggaal  ld ragaal.
ragle  ld raqle.
raglee   ld raqlee.
ragleyn  ld raqleyn.
ragragasho  eeg ragrago².
ragrago1  Digasho ismuujin iyo faan ku jiro. ragrago2   Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo. ragrif  R. ah: nin aan waxtarin, ninka waxtarka ahna dhaliila.
ragtirsi  Hab qaanta loo baxsho oo ku salaysan xoolaha la bixinayo iyo dadka wax bixinaya in laysu tiriyo.
rah  (c.nafl.) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. ld rake.
rahaamad1   Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay. ld rahan². rahaamad2   (dhaq.) Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda. rahaamad3   Cid wax amaahatay damaanad dhigid. rahaamadan   Shay wax rahmad loo haysto ahaansho.
rahaamadasho  eeg rahaamado.
rahaamadid  eeg rahaamad³.
rahaamadnaan  eeg rahaamadan. ld rahaamadnaansho.
rahaamadnaansho  ld rahaamad-naan.
rahaamado   Hanti rahan ahaan u dhiibasho.
rahamasho  eeg rahmo.
rahan1  Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay. rahan2  ld rahaamad¹. rahan3   1. Hanti curaar ahaan u dhiibid. 2. Arrin ka hadalkeeda dib u dhigid. rahman   1. Hanti curaar ahaan loo dhiibay ahaansho. 2. Arrin ka hadalkeeda dib loo dhigay ahaansho.
rahmanaan  eeg rahman. ld rahmanaansho.
page : 13 of 40
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>