qadow2 Geed qadow bixin. qadsan ld qatan.
qadsanaan ld qatanaan.
qadsanaansho ld qatanaan.
qadsanow ld qatanow.
qadwid eeg qadow².
qafaal1 1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto. qafaal2 1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo. qafaalan Wax la qafaalay ahaansho.
qafaalasho eeg qafaalo.
qafaalid eeg qafaal².
qafaalnaan eeg qafaalan. ld qafaalnaansho.
qafaalnaansho ld qafaalnaan.
qafaalo Cid xoog ku kaxeeysasho si dan laga lahaa loogu fushado.
qafal Ciyaar dubno labada dhinac ka xirid iyada oo dhagax kale la gelin karin.
qafalmardax 1. Qof dabeecad xun leh. 2. Wax aan si wanaagsan u habeysnayn. 3. Arrin iwm oo aan la garan karin waxna laga qaban karin. ld qafalmarjac.
qafalmarjac ld qafalmardax.
qafas 1. (-syo, m.dh) ld qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iwm lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iwm la geliyo.
qafil1 1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹. qafil2 Albaab, sanduuq iwm faseexaddooda qafil ku xirid. ld quful², qunful². qafilan Wax qafil ku xiranyahay ahaansho. ld qufulan, qunfulan.
qafilasho eeg qafilo. ld qufulasho, qunfulasho.
qafilid eeg qafil². ld qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful.
qafilnaan eeg qafilan. ld qafilnaansho, qufulnaan, qufulnaansho, qunfulnaan.
qafilnaansho ld qafilnaan.
qafilo Albaab, sanduuq iwm qafil ku xirasho. ld qufulo, qunfulo.
qafis ld qafas (1).
qafish Nooc kalluunka ka mid ah oo diilimo cad iyo guduudan leh.
qaflad1 Kedo; lamafilaan. qaflad2 Xirmidda ciyaar dubnadeed labada dhinac ka xiranto iyada oo dhagax kale aan la gelin karin. ld qaflo¹.
page : 16 of 86
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>