riyaaq2 U r.: wax dhacay ama la sameeyey aad ugu bogid. riyaaqid eeg riyaaq². ld riyaaq¹.
riyaax1 1. Cudur dadka ku dhaca oo nafaqo la'aantu keento. 2. Jiirgo'iyo daal ka dhasha socodka dheer. ld rigaax³. riyaax2 1. (f.g) Qoryo, lafo iwm burburin. 2. (f.mg) Cudur nafaqo la'aani keentay qaadid. 3. (f.mg) Socod dheer dartii daal iyo jiirago'dareemid. riyaaxid eeg riyaax².
riyaggooleeye Geedgaab sida jeerinka u baxa oo dhirta daawada ka mid ah.
riyakudduul Dabayl qafiif ah oo dhaxan leh oo diraacda dhacda.
riyannuug1 1. Orgi yar oo hooyadii nuuga. 2. Nin hungurixumo lagu dhalii-layo. riyannuug2 Abeeso-lugalay. riyaxire Geedgaab faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
riyo Wax qofku hurddada ku arko.
riyoo Hurdo dhexdeed riyo arkid.
riyood eeg riyoo.
RNA (baay.) Iskudhis kakan oo orgaanik ah. Lagana helo unugyada nool kaas oo saameeya samayska borotiin. Fayrasyada qaarkood, RNAdu waxa kale oo ay u tahay walax hiddo side.
rodh (c.nafl.) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buu-xaan liidka ratiinaha.
rodol Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).
rog 1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.
rogaal1 1. Faras ama rakuub aad u jarabaran. 2. U soo dabbaalidda meesha laga ugaarsanayo loo soo dabbaalo ugaar. 3. R. ah: nooc kooraha geela ka mid ah oo labada dacal ee afkeedu kor u taaganyahay. 4. Badinta qoraal lagu badiyo jikolostiil. rogaal2 (xis.) Tirada hal oo loo qaybiyey tiro ama tibaax kale. Tussale ahaan, rogaalka 2 waa 1/2; rogaalka x2 + 1 waa 1/x2 + 1 . Taranka tibaax kasta iyo rogaalkeeda waa hal. rogaal3 1. ld rogaalcelin. 2. Beer carrageddiyid. rogaalceli Col meel uu weeraray mar kale ku noqosho.
rogaalcelin eeg rogaalceli. ld rogaal³ (1), rogaalcelis.
rogaalcelis ld rogaalcelin.
rogaali Koor qaab rogaal ah u sameyn.
rogaalid eeg rogaal².
rogaalin eeg rogaali. ld rogaalis.
rogaalis ld rogaalin.
rogad ld rogasho.
rogan1 1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid. rogan2 1. Wax dhiniiciisa hoose la sarraysiiyay ahaansho. 2. Wax gaadiid laga dejiyay ahaansho (rar). 3. Wax isteensal lagu badiyay ahaansho (qoraal). 4. Ku r.: wax, wax kale ku gambisan ahaansho. 5. Ka r.: wax meel agteeda ku sugan ahaansho.
page : 30 of 40
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>