baawee War qarsodi ku haboon faafin. Tus. “Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey”.
baaweyn eeg baawee.
baaxaaddeg1 ld baaxaadeg¹. baaxaaddeg2 ld baaxaadeg². baaxaaddegan ld baaxaadegan.
baaxaaddegid ld baaxaadegid.
baaxaaddegnaan ld baaxaadegnaan.
baaxaaddegnaansho ld baaxaadegnaan.
baaxaadeg1 Degganaan la'aan joogto ah. ld baaxaaddeg¹. baaxaadeg2 Degganaan la'aan joogto ah la kulmid. ld baaxaaddeg². baaxaadegan Wax la kulmay degganaan la'aan joogto ah ahaansho. ld baaxaaddegan.
baaxaadegid eeg baaxaadeg². ld baaxaaddegid.
baaxaadegnaan eeg baaxaadegan. ld baaxaaddegnaan, baaxaaddegnaansho, baaxaadegnaansh.
baaxaadegnaansho ld baaxaadegnaan.
baaxad Ballac.
baaxadsoore Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.
baaxeer Qof bashaash ah.
baay (xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
baayac1 ld baayacid. baayac2 Wax ganacsi u yaal qiimahooda weyddin; gorgorin. baayacad Weyddiinta qiimaha wax ganacsi u yaal. ld baayacasho.
baayacasho eeg baayoco. ld baayacad.
baayacmushtar1 ld Biicmushtarid; biicmushtari. baayacmushtar2 ld biicmushtar². baayacmushtari ld biicmushtari.
baayacmushtarid ld biicmushtarid.
baayaco ld baayoco.
baayactamid eeg baayactan². ld baayactan¹.
baayactan1 ld baayactamid. baayactan2 Wax iib u yaal qiimahooda ka doodid.
page : 12 of 108
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>