muudaa Libaax meelo kala dheer isaga goosha oo wax ka dila.
muudal Bakhayl; dhabcaal.
muudi Biyo, kayn iwm wax dhex marin, iyadoo aan la arkayn.
muudid eeg muud³. ld muud¹.
muudin eeg muudi.
muudsasho ld muursasho.
muudsii ld muursii.
muudsiin ld muursiin.
muudso ld muurso.
muufayn eeg muufee. ld moofayn.
muufee Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. ld moofee.
muufo 1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. ld moofo.
muug ld muuq.
muuji 1. Hadal, arrin iwm ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid.
muujin eeg muuji. ld muujis.
muujis ld muujin.
muul 1. M. ah; wax badan. 2. M. ah: wax, wax ugu wanaagsan. 3. Qof mingis laga tumayo, ciyaaraha loo ciyaaro middooda saddexaad.
muumin ld mu'min.
muuminnimo ld mu'minnimo.
muun 1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.
muunad 1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuq-gaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. ld muuno.
muunadayn eeg muunadee. ld muunayn.
muunadaysan Muunad leh ahaansho (wax). ld muunaysan.
muunadaysnaan eeg muunadaysan. ld muunadaysnaansho, muunaysnaan, muunaysnaansho.
muunadaysnaansho ld muunadaysnaan.
muunadee 1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. ld muunee.
muunajab1 Luminta qof lumiyo sharaf uu lahaa. ld muunajebid. muunajab2 Sharaf iyo qiimo qof lahaa dhumid. muunajebi Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin.
muunajebid eeg muunajab². ld muunajab¹.
page : 129 of 131
<< < 124 125 126 127 128 129 130 131 >