Ereyga Maanta: gawre
sulmayn  eeg sulmee.
sulmee  Lax asoollin (wan).
sulmi  Lax asoollin (wan).
sulmin  eeg sulmi.
sulmoo  Neef ida ah oo asoollan wan doonasho.
sulmood  eeg sulmoo.
sulsul  ld sunsun.
sulsulid  ld sunsumid.
sulub  1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (-byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.
suluf  ld suful.
sulufaad1  Dhibaato ay dhaliyaan col iyo abaar. sulufaad2  Dhibaato, oon iyo colaadi keeneen la kulmid. sulufaadid  eeg sulufaad².
sulux  1. Heshiis. 2. S. ah: dul siman oo aan xanaf lahayn. 2. S. ah: caano dhay ah oo qabow; galax.
sulxad  ld sulxasho.
sulxasho  eeg sulxo. ld sulxad.
sulxo  Meel siman oo aan xanaf lahayn ka sidbasho.
sumaan  Nooc kalluunka ka mid ah oo jaballada ku nool.
sumaaxo  Shimbir weyn oo shimbiraha rabshiga dhiga ka mid ah.
sumac1  1. Gumuca xabbadda. 2. Sukulid-da subuul meseggo ul iwm lagu garaaco si iniinaha looga daadiyo. sumac2  Sabuul meseggo ul ku garaacid si iniiunuhu uga daataan. sumad1  ld summad¹. sumad2  ld summad². sumajiid  Summad alif ah oo xoolaha sinta looga dhigo.
sumal  Wan qoor ah oo idaha loo hayo.
sumalhaad  Hiyikac walbahaar ku jiro.
sumalhaadi  Cid sumalhaad ku ridid.
sumalhaadin  eeg sumalhaadi. ld su-malhaadis.
sumalhaadis  ld sumalhaadin.
sumalhaadsan  Wax hiyikacsan ahaansho (qof).
page : 108 of 118
<< < 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 > >>