Ereyga Maanta: saddex-madaxle
wahan2  Uurxumo iyo walaac dartii isla hadlid ama caloolyoobid. wahmid  eeg wahan².
wahsad  ld wahsasho.
wahsasho  eeg wahso. ld wahsad, wahsi¹.
wahsi1  1. Daal ka cararid darteed hawsha culays laga dhigo oo laga cagajiido. 2. ld wahsasho. wahsi2  (fiis.) Astaan maatarku leeyahay, ee sababta in ay walaxi iska caabbido isbeddelka ku imaan kara xaaladdeeda socod ama negi. wahso  Hawl caajisnimo darteed la qaban waayid.
wahwah  Eyga cigiisa.
wajac  1. Xanuun yar. 2. Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.
wajacsan  Wax wajac hayo ahaansho.
wajacsanaan  eeg wajacsan. ld wajacsanaansho.
wajacsanaansho  ld wajacsanaan.
wajah  ld wejih.
wajahad1  Dhinaca hadba aqalku u sii jeedo hortiisa. wajahad2  (fiis.) Jiidda dhulka dushiisa ah ee u dhexaysa kalana saarta cufaf hawo qabow iyo mid diirran ah. wajahid  ld wejihid.
wajaq1  Waalli daran oo qofka lala qaban waayo. wajaq2  Waalli daran qof ku dhicid. wajaqid  eeg wajaq².
waji  ld weji.
waji-nasasho  (baay.) Heer meertada unugga ah, oo ah marka unuggu diyaarinayo qaybsanka bu'da. Heerkan DNA-du way badataa si ay u soo saarto unugyo ku filan oo mataanaysan.
waji-tabaabulshe  (baay.) Heerka ugu horreeya qaybsanka bu'da, taas oo koromosoomyada iyo koromaatidhyadu aad u muuqdaan halka ay bu'yarada iyo xuubka bu'du ay bilaabaan inay baaba'aan.
wajiin  Caajiska qabowgu habeenkii jirka nafleyda geliyo.
wajiine  Xilli roob oo u dhexeeya bilaha nofembar iyo jannaayo oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari. ld wejiine.
wajimacbuus  Qof dabci xun oo had iyo jeer in uu caraysan yahay la moodo.
wajimacbuusnimo  Wajimacbuus ahaansho.
wajixumo  Ceeb weyn. Tus. “Cali arrintii uu galay w. ayaa ka raacday”.
wakaakib  Xiddigaha oo laga faaliyo; kawaakib; fal; sixir.
wakaalad  1. Hay'ad dawladeed oo hawl gaar ah u qaybsan oo wasaarad hoos tagta. 2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado.
wakaayo  Hanti yar oo xoolo nool ah.
page : 12 of 40
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>