Ereyga Maanta: fullaacsan
xaasidad  Haweeney xaasid ah.
xaasidnimo  Xaasid ahaansho.
xaasil  Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.
xaasin  eeg xaasi.
xaasoobid  eeg xaasow.
xaasow  1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.
xaawalay  Haween; dumar.
xaawi  Qof socod cagajiid ah socosho.
xaawin  eeg xaawi.
xaaxeeyo  (c.nafl.) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.
xaaxi  1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.
xab1  1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado. xab2  (c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada. xab adag  Walax xab oo kale ah.
xabaal1  ld xabaalid. xabaal2  Qabri. xabaal3  Wax aasid. xabaalan  Wax la xabaalay ahaansho.
xabaalaqode  Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.
xabaalaquf  Qarandi; saddexsuulley.
xabaalasho  eeg xabaalo².
xabaalbilaash  Iilka maahane xabaasha inteeda kale.
xabaalfure  Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.
xabaalid  eeg xabaal³. ld xabaal¹, xawaal¹.
xabaalnaan  eeg xabaalan. ld xabaal-naansho.
xabaalnaansho  ld xabaalnaan.
xabaalnololi  Cid nool aasid.
xabaalnololin  eeg xabaalnololi.
xabaalo1  1. Qubuuro. 2. eeg xabaal². xabaalo2  Wax dhulka ku aasasho.
page : 5 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>