Ereyga Maanta: fullaacsan
xad-dhaafid  eeg xaddhaaf².
xadaafiir  Dhib; hawkar.
xadaarad  Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.
xadaf1  (nax.) Goyn shaqal ka mid ah erey. Tus. “garab + o -> garbo”. xadaf2  Xaraf ama erey ka tegid. xadan  Wax dhibban ahaansho.
xadatayn  eeg xadatee. ld xanantayn, xanatayn.
xadatee  Cid xadato dareensiin. ld xanantee, xanatee.
xadato  Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.
xadaysan  Wax xad loo yeelay ahaansho.
xaddaarad  ld xadaarad.
xaddi  Awood; xoog.
xaddi leeb  Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.
xaddi-foolwaa  (xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.
xaddi-roobaad  (juqr.) Wadarta inta roob ah ee la dhigay meel waqti lagu siiyay.
xaddid  Xad u yeelid.
xaddidan  Wax xad loo yeelay ahaansho.
xaddidhaaf  Wax qiyaastii laga rabay dhaa-fay.
xaddidhaafsii  Wax qiyaastii laga rabay dhaafsiin.
xaddidhaafsiin  eeg xaddidhaafsii.
xaddidid  eeg xaddid.
xaddiditaanka PH  (xis.) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda-rojiinta ku jirta milan.
xaddidnaan  eeg xaddidan. ld xaddid-naansho.
xaddidnaansho  ld xaddidnaan.
xaddiid  Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooney-tyada; bir.
xaddiis  (axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
xaddiisqudsi  (dii.) War Rasuulka (n.k.h.a.) loo waxyooday oo aan Quraanka ka mid ahayn.
xadee  Wax xad u yeelid.
xadeyn  eeg xadee.
xadeysan  Wax xad loo yeelay.
page : 8 of 60
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>