Ereyga Maanta: qawle
gabar (1) Midab madow oo iduhu dhabarka ku yeeshaan.
gabar (2) 1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. ld geber, gabadh.
gabarey-maanyo Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld habarey-maanyo.
gabareymaanyo Nafley la rumeysan- yahay inay badda ku nooshahay, taasoo qaarka sarana ka ah gabar qaarka dambena mallay.
gabarnimo Gabar ahaansho.
gabarraale Nooc kalluunka ka mid ah.
gabas 1. Nooc warmaha waaweyn ka mid ah. 2. Hanti.
gabax (1) Meel bannaan oo dabayl iyo dhaxan badan.
gabax (2) Si tartiib ah oo aan biyo dhig lahayn u di'id (roob).
gabaxle Roob biyo yar oo aan biyo dhig lahayn, muddo dheerna da'a.
gabay (1) Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin.
gabay (2) Gabay tirin.
gabayaa ld gabyaa.
gabaye Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.
gabayoox ld gabaayoox.
gabayre 1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. ld gabaayoox, gabayoox.
gabaysii Ka g.: qof gabay ku beerid.
gabaysiin eeg gabaysii.
gabbaad Wax, wax kale looga gabbado.
gabbaadsasho eeg gabbaadso. ld gabbaadsi.
gabbaadsi ld gabbaadsasho.
gabbaadso ka g.: wax gabbaad ka dhigasho.
gabbaan (1) G. ah: neef aan caano badan lahayn.
gabbaan (2) Nooc miisaan ah. ld gabne, gabno, gibbaan.
gabbaannimo Gabbaan ahaansho. ld gibbaannimo.
gabbaati (1) Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya.
gabbaati (2) Hanti yar, markaas gabar la guursanayo, ka bixin.
gabbaatiyid eeg gabbaati².
gabbad (1) ld gabbasho.
gabbad (2) Xantoobo.
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>