baadiyaysnaan eeg baadiyaysan. ld baadiyaysnaansho.
baadiyaysnaansho ld baadiyaysnaan.
baadiyee Dad ama xoolo baadi ka dhigid.
baadiyoobid eeg baadiyow.
baadiyow Baadi noqosho.
baaf Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
baafi Baadi, dad badan weyddiin.
baafin eeg baafi. ld baafis.
baafis ld baafin.
baah1 ld baahid. baah2 War, cudur, daad iwm aad u faafid. baahan 1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.
baahasho eeg baaho².
baahawadaag B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.
baahayn eeg baahee.
baahee U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.
baahi U b.: war dad badan u sheegid.
baahi1 1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”. baahi2 U b.: cid in ay wax u baahato badid. baahid eeg baah². ld baah¹.
baahillaawe Qofka aan cidna u baahnayn; Alle.
baahin eeg baahi². ld baahis.
baahirsaaf ld baxarsaaf.
baahis ld baahin
baahitir1 ld baahitirid. baahitir2 Cid baahi ka bi'in. baahitirid eeg baahitir². ld baahitir¹.
baahnaan eeg baahan. ld baahnaansho.
baahnaansho eeg baahnow. ld baahnaan.
baahnow U b.: qof baahan noqosho. Tus. “Ebedkiisa lacag ha u baahnaado, kolba anigu wax u diri maayo”.
page : 4 of 108
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>