Ereyga Maanta: nadalo
baanso2  Qof buka ama dhaawac ah baan siisasho. baantiisimaada  (dii.) Fikrad diineed, taasoo Illaahay in uu yahay wax kasta, dabeecada iyo caalamka dhexdiisa.
baantookh  Cid ammaan badan oo ay lahayn sheegasho.
baantookhid  eeg baantookh.
baantow  B. ah: dibi dad dil ah oo cidla-joognimo ku abaaday muddo. ld baantoy.
baantoy  ld baantow.
baaq1  1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid. baaq2  (taar.) War cad oo rasmi ah. baaq3  Baaq samayn. baaqad  ld baaqasho.
baaqasho  eeg baaqo. ld baaqad.
baaqbaaq  Limid; carraggeddin; falid.
baaqbaaqid  eeg baaqbaaq.
baaqe  1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
baaqi  Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
baaqid  eeg baaq³. ld baaq¹ (4).
baaqimo  Neef caana yar; gabno; badho. ld baaqin.
baaqin1  ld baaqimo. baaqin2  Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo. baaqo  1. Meel tegiddeeda ka maqnaan. 2. Ka b.: wax waqtigii loogu talaggalay dib uga dhicid. Tus. “Shirkii wuu baaqday”.
baaqsad  ld baaqsasho.
baaqsasho  eeg baaqso. ld baaqsad, baaqsi.
baaqsi  ld baaqsasho.
baaqso  1. Roob, fasal, rimay iwm waqti la filayay in ay dhacaan suurtaggal noqon waayid. 2. Ka b.: wax la samayn lahaa ama meel la aadi lahaa ka talabixid.
baaquli  Weel maacuunta ka mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu shubto.
baar1  1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud. baar2  (baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan. baar3  1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”. baaraabuf  ld baaraabuq.
baaraabuq  Nooc fangaha ka mid ah oo aan la cunin. ld baaraabuf.
page : 8 of 108
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>