Ereyga Maanta: hiilley
baaraan  ld baarid².
baaraandeg1  1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid. baaraandeg2  Ka b.: arrin, fikrad iwm aad u hubin. baaraandegid  eeg baraandeg². ld baaraandeg¹ (2).
baarad  ld baarasho.
baaranooya  (daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
baarasho  eeg baaro. ld baarad.
baarashuud  Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
baarax  1. Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.
baarbitureyt  (daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.
baare  Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
baarfuran  Awr aan weligii la raran.
baari1  1. Culays, culaab. 2. ld baariyid. baari2  1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin. baarid1  B. ah: Wax aad u qabow. baarid2  eeg baar². ld baaraan, baaris³, baaritaan. Baariis  Magaalada Baariis (Af-Ingiriis: Paris) waa Caasimada wadanka Faransiiska (France)
baarin1  ld baariyid. baarin2  Meesha gacatada laga qoto. baaris1  Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan. baaris2  ld baariyid. baaris3  ld baarid². baaritaan  1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².
baariyam-salfeyt  (kiim.) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.
baariyid  eeg baari². ld baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
baarlammaan  ld barlammaan.
baaro  1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
baaro1  Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin. baaro2  Wax qarsoon, raadin. baarqab  Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
page : 9 of 108
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>