Ereyga Maanta: nadalo
guuleyso  Lib helid.
guuli  Xoolo aroor ama wabax ah meel aan xeradeeda ahayn habeyn ku hoyn.
guulid  eeg guul³. ld guul¹ (2).
guulin  eeg guuli. ld guulis.
guulis  ld guulin.
guulle  Ilaah; Eebbe.
guulmid  eeg guulan.
guulwade  Mid ka mid ah ciidamada maleesiyada ummadda.
guumeys1  Nin da'weyn oo aan weli guursan. guumeys2  Shimbir ka mid ah shimbiraha habeenkii ugaarsada oo leh madax ballaaran iyo indho waaweyn oo baalal adagi ku xariiranyihiin. guumeys3  Gabar inannimo ku weynaatay oo aan la guursan. guumeysoobid  eeg guumeysow.
guumeysow  Gummeys noqosho (haweenay).
guumis  Rati qaalin ugubi ku curatay. ld guubis.
guun  Qof fil weyn oo aan da'du ka muuqan.
guunguun  Biito; nooc ciyaar caruureed.
guunso  Surta inteeda adag; gaws.
guunto  G. ah: neef dheddig oo wax rimiya waayey.
guuntoo  Neef dheddig, lab orgeeya waayid. ld guuntow.
guuntoobid  ld guuntood.
guuntood  eeg guuntoo. ld guuntoobid.
guuntow  ld guuntoo.
guunyo  ld guuyo.
guur1  1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad). guur2  Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo. guurarraac  Bahal wahmi ah oo carruurta lagu cabsiiyo. ld reerguure-raac.
guurasocod  Socodka habeenkii la socdo; dheelmad.
guurayn  eeg guuree. ld guurays, guureggelid.
guurays  ld guurayn.
guuraysii  Nafley habeen wadid. ld guureggeli.
page : 100 of 102
<< < 95 96 97 98 99 100 101 102 >